opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ninkii kadambeeya Suuqa Beerta ee Degmada Waabari oo saakay latoogtay

Share

Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Soomaalkiya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qarax dad badan ku dhinteen oo sanadkii hore ka dhacay Suuqa Beerta ee magaalada Muqdisho.

C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa 40 sano jir ahaa ayaa qirtay in uu ka dambeeyay Qarax ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari bishii November ee sanadkii hore, waxaana qaraxan ku dhintay dad ka badan 30-qof oo u badnaa shacab Suuqaasi ganacsiyo ku lahaa.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay C/qaadir Cabdi Xasan ay ku cadaatay dambihii lagu soo eedeeyay oo ahaa in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta, ninkan ayaa sidoo kale la sheegay xili uu doonayay in uu is qarxiyo in ay qabteen ciidamada amaanka.

Saraakiil katirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo laamaha amaanka ayaa ka qeyb galay daawashada toogashada saakay lagu fulinayay ninkan katirsanaa Al Shabaab ee lagu helay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa marar badan xukuno dil ah iyo xabsi waxa ay ku riday xubno katirsan Al Shabaab oo qaarkood lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxyo dad lagu dilay iyo xubno kale oo iyana dilal in ay geesteen lagu helay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook