opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Odayaasha Beelaha Hawiye oo Caro kala dul dhacay Xildhibaanada Horu-socod”+ Cod

Share

Odayaasha dhaqana Hawiye ayaa markii ugu horeysay si adag uga hadlay go’aankii ay ku dhawaad 100 Xildhibaan uga soo horjeesteen xukumada RW Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo.

Qaar kamid ah odayaasha Hawiye oo saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadii ku dhawaaqay madasha Horu-socod ay yihiin kuwa qaran dumis ah oo ay tahay in laga hortago.

Boqor Cabdi Axmed Cali oo ah Boqorka Beelaha Hawiye ayaa sheegay Iney nasiib daro tahay go’aanka ay gaareen xildhibaanada uu hogaamiyo C.Rashiid Xidig.

“Maanta dowlada Soomaaliya udhalatay mucaarad uma baahna, shalay ninkii wax doortay inuu maanta mucaarado ma ahan wax suura gal ah qof labo carab lehna malahan”ayuu yiri Boqorka Beelaha Hawiye.

Hadalka kasoo yeeray odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa kusoo aadaya xili Madasha Horusocod oo dhawaan lagu dhawaaqay ay sheegeen ineysan mucaarad ku aheyn dowladda Soomaaliya.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook