opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ra’isul Wasaaraha Jabuuti oo Maanta tagaya Somaliland

Share

Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa maanta booqashiidii ugu horeesay waxa uu ku tagayaa magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland iyo magalaooyin kale uu maamulkaasi gacanta ku hayo.

Sida aan Wararka ku heleno booqashada Ra’isul Wasaaraha dalka Jabuuti ku tagyao deegaanada maamulka Somaliland ayaan aheyn mid siyaasad la xariirta, waxa uuna R/Wasaaraha booqasho ugu tagi doono eheladiisa oo kunool Somaliland.

Wafdi horu dhac u ahaa safarka Ra’isul Wasaaraha dalka Jabuuti ayaa shalay gaaray magaalada Hargeysa, waxaana wararku sheegayaan in R/Wasaaraha Hargeysa kadib uu tagi doono deegaano ay kamid yihiin Sanaag bari iyo ceerigaabo.

Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland Cali Jaamac oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’sul Wasaaraha dalka Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed , booqashadiisa aysan siyaasad salka ku heyn balse tolkiisa uu booqan doono.

Waa safarkii ugu horeeyay masuul sare oo ka socda dalka Jabuuti uu ku tagayo deegaanada Soamaliland, dalka Jabuuti ayaana kamid ah dalalka aan Somaliland u aqoonsaneyn in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook