Roobab 24 saac ka da’ayay Muqdisho oo Jidadkii wada xiray +Sawirro

Saameyn aad xoogan ayaa ka dhalatay roobab xoogan oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayey magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Roobkaban oo kuwii ugu xoogganaa ay xalay ka da’een magaalada ayaa jaray wadooyin badan oo xitaa ay ku jiraan kuwii laamiga la saaray ka dib markii ay fariisteen biyo fara badan.

Waxaa meelo badan lagu arkay gaadiid biyaha dhex fadhiya iyo qaar ku dhacay godad waaweyn oo daadadka roobku ay ka sameeyeen wadooyin horeyba u burbursanaa.

Xaafadaha qaar sida Buulo Xuubey qeybo k mid ah ayaa xalay qoysas badan ay ka qaxeen ka dib markii guryahooda ay ugu soo galeen mowjado daadad ah oo ka dhashay roobka sababo la xiriira war biyood ku taalla oo buuxsantay.

Ugu yaraan labo ruux oo kala ahaa ilmo yar iyo oday waayeel ah ayaa ku naf waayey degmada Boondheere oo ka mid ah xaafadaha joogoodu hooseeyo ee ay ku rogmadaan daadadka rooobka, odayga iyo ilmaha yar ayey wararku sheegayaan iney qaadeen daadad xoogan oo u galay guryahooda.

Roobabkan ayaa si weli si goos goos ah uga da’aya magalada Muqdsho iyo nawaxigeeda, waxaana aad u yar dhaqdhaqaaqa dadka oo markiiba horeba iska koobnaa maadaama ay tahay Jimce dadka badankiisna ay ka nasanayaan howlihii todobaadka.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook