opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Sharci cusub oo lagu soo kordhiyey Horyaalka Premier League

Share

Xiriirka kubada Cagta England ee FA oo shir isugu yimid khamiistii ayaa soo saaray sharci cusub oo lagu dhaqi doono Horyaalka Premier League Xili Cayaareedka soo socda.

Sharciga Cusub ee lasoo saaray ayaa saamayn doona Cayartoyda sida beenta ah dhulka isugu tuura si loogu dhigo Rigoore kuwaas oo dhawr jeer Xili Cayaareedkan ku qiyaanay Garsoorayaasha Horyaalka Premier League.

Go aanka sharciga ah ee lagu dhaqmi doono Xili Cayaareedka dambe ayaa qeexaya in laganaaxi doono Cayaartoygii been isku tuura si qalad loogu dhigo Waxaana dib loo daawan doonaa Video hadii uu cadeeyo beenta lagu Ganaaxi doono Cayaaryahankii sameeyey hal kulan ayaana Cayaaraha laga fariisin doonaa.

Cayaartoydii Xili Cayaareedkaan beenta isku duuray ee Rigoorada loo dhigay Waxaa ka mid ah Robert Snodgrass’Marcus Rashford, Lucas iyo Leroy Sane.kuwaas oo sharciga cusub qaban lahaa hadii horay loo ansixin lahaa ganaaxa hada kadib lasaari doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook