Siilaanyo oo wadamda reer galbeedka ku eedeeyay in ay Faragilin toos ah ku haayaan Arimaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta jeediyay Khudbad loogu talagalay 18-ka may oo ku beegan xilligii Soomaliland sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay Arimaha Soomaaliya iyo Soomaliland waxa uu na eedeen usoo jeediyay Wadamada reer galbeedka.

Siilaanyo ayaa sheegay in wadamada reer yurub iyo mareykanka ay wadaan iska horkeenida Soomaaliland iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca wadahalka iyo sidii loogu casuumay Soomaliland shirkii London.

“Wadamada yurub iyo mareykanka waxay wadaan qorshe aan ku jirin danaha Soomaliland sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa in ay faraha kala baxaan Arimhayena” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliland.

Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in aan si wanaagsan loogu casuumin Shirkii London ee looga hadlaayay Arimaha Soomaaliya taasna ay aheyd wax aan loo dul qaadan karin.

Soomaliland ayaa maanta looga dabaal dagayaa Maalinta ay u aqoonsan yihiin Markii ay ka go’ayn Soomaaliya inteeda kale.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook