Taliyihii Ciidamadii Gadoodsanaa ee la wareegay Wasaarada Gaashaandhiga oo Xog badan bixiyay +Cod

Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa militerigii dowladda Soomaaliya ee la wareegay xarunta wasaarada gaashaandhiga ilaa wadada Warshadaha.

Ciidamadan oo aad uhubeysan ayaa sheegay iney ka cabanayaan mushaar la’aan haysata mudo ku dhow hal sano, sidoo kalana ay ka careysan yihiin hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo.
“Wax mushaar ah ma aanan qaadan mudo hal sano ah, meeshii aan dowladaan ka fileynay iney mushaarka na siiso xataa cid inoo timid malahan”ayuu yiri sargaal katirsan ciidamadii gadoodka sameeyay oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho.

Hadalka Sargaalkan ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Farmaajo uu marar badan ku celiyay in maalintii loo doortay xilkaas uu bilaabay inuu dhamaan ciidamada dowladda mushaaraadkooda siiyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook