Wasaaradda Gaashaandhiga DF oo goor dhow lala wareegay

Wararka inaga soo gaaraya Wasaarada Gaashaandhiga Ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Goor dhow halkaas ay la wareegeen Ciidamo Gadoodsan oo diiday in lagalo ama laga baxo xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Muqdisho.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamadan gadoodsan ayaa ah kuwa aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxa ayna xireen qeybo kamid ah laamiga Warshadaha gaar ahaan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ciidamada Milateriga ee Gadoodka sameeyay ayaa la soo sheegayaa in sababta ay gadoodka u sameeyeen ay tahay Mushaar la’aan ay ka cabanayaan oo aan la siin Mudo dhowr bilood ah.

Mid kamid ah askarta Milatariga ee gadoodka sameeyay ayaa sheegay in ay ka careysan yihiin hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadanaa in ciidanka Milatariga ay heleen mushaarkooda sadexdii bil ee ugu dambeysay, waxa uuna tilmaamay in dhoor bil mushaarkooda uu ka maqan yahay.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa xitaa AMISOM gaar ahana kuwa Burundi u diiday in ay maraan laamiga Warshadaha waxa ayna AMISOM ku qasbeen in ay dib ugu laabtaan xerada ay ku leeyihiin Kuliyada Jaalle Siyaad kadib markii loo diiday in ay laamiga maraan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook