Waxgarad Beesha Hawiye oo Qabtay Kulan lagu raadinayo Xuquuqda Gobolka Banaadir +Video

Kulan looga hadlayo maqaamka magaalada Muqdisho iyo xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir oo ay isugu yimaadeen Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Kulankan oo ahaa kii labaad ee noociisa ah ayaa waxaa soo abaabulay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tisan Aqalka sare, waxaana ka qeyb galay Nabadoonada, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Hawiye qaarkood.

Waxaa shirka ku sugnaa qaar ka mida xildhibaanada labad gole ee beesha Hawiye. iyadoo dowladda Soomaaliya looga codsaday in Maqaamka Muqdisho xal loo helo isla markaana madaxweynahaa iyo guddoomiyaha G/Banaadir looga fadhiyo arrintaasi.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa ku dooday inuusan shirku ahayn mid lagu mucaaradayo dowladda ama cid kale balse uu yahay shir lagu raadinayo xaqa ka maqan Gobolka Banaadir.

Muuse Suudi ayaa si weyn uga horjeeda dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ka dambeysay markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook