opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Yaa kugulaystay Abaal Marinada Xili Cayaareedka Manchester United ?+Sawirro

Share

Cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Ander Herrera ayaa ku Guuleystey Xidiga Sanadka ee Naadiga kadib markii uu helay Codadkii ugu badnaa ee Taageerayaasha kooxdaas.

Ander Herrera oo dadaal dheeraad ah Sameeyey Xili Cayaareedkaan ayaa kaga Guuleystey Cayaartoydii kula tartantay abaal Marinta ee kala ahaa Zlatan Ibrahimovic iyo Antonio Valencia kuwaas oo kaalinta labaad iyo Sadexaad kala galay.

Xidigaan ayaa sii kordhinaya Cayaartoyda dalka Spain oo ahaa kuwa ugu badan ee ku Guuleysnayey Sanadihii la soo dhaafay abaal marintaan oo loogu Magac daray Sir Matt Busby award, Waxaana kaga horeeyey David De Gea’ oo lagudoonsiiyey Sanadihii 2014, 2015 iyo 2016.

Xaflada lagu bixinayey abaal marintaan oo dhacday Habeenkii Jimcuhu soo gelayey ayaa waxaa ka soo qayb galay inta badan Cayaartoyda Manchester United si weyn ayuuna ugu farxay Ander Herrera in uu Noqdo Xidiga Sanadka Manchester United.

Sidoo kale Cayaaryahanka Antonio Valencia ayaa loo aqoonsaday Xidiga Xidigaha Manchester United Cayaaryahanka Sanadka ee da.yarta Waxaa lagudoonsiiyey Angel Gomes Goolka Xili Cayaareedka waxaa ku Guuleystey Henrikh Mkhitaryan Waana Goolkii quruxda badnaa ee uu ka dhaliyey Kooxda Sunderland Xaflada abaal marinta waxaan Goob Joog ka ahayn oo aan imaan Cayaartoyda Ibrahimovic, Luke Shaw, Marcos Rojo, Ashley Young iyo Anthony Martial.

Sir Matt Busby Player of the Year

Ander Herrera

Players’ Player of the Year

Antonio Valencia

Goal of the Season

Henrikh Mkhitaryan

Young Player of the Year

Angel Gomes

Reserve Team Player of the Year

Axel Tuanzebe

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook