Alexis Sanchez oo heshiis kama damabays ah lagaaray Manchester City

Warar Goordhow soo baxay oo laga helay dalka Chille ayaa sheegaya in Cayaaryaahnka Naadiga Arsenal ee Alexis Sanchez uu heshiiska shaqsiga ah lagaaray kooxda Manchester City Naadigaas oo uu u dhaqaaqi doono Goordhow,

Wargeyska The Sun oo soo xiganaya ilo Wareedyo aad ugu dhow Alexis Sanchez ayaa daabacay in Xidigaan uu qayb ahaan ogolaaday heshiiska uu ugu dhaqaaqayo Manchester City isaga oo toos Tilifoon ugula hadlay Macalin Pep Guardiola.

Sidoo kale Saxafi Caan ah oo ka faalooda Cayaaraha una dhashay dalka Chille oo lagu Magacaabo Fernando Solabarrieta, ayaa bartiisa Twitter-ka ku daabacay in Cayaaryaahnka Alexis Sanchez uu u dhaqaaqi doono Manchester City kooxdaas oo uu u saxiixi doono heshiis shan Sano ah isla Markaana ay siwanaagsan isku afgarteen Macalin Pep Guardiola.

Alexis Sanchez ayaa diidey in uu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Arsenal waxaana u dhiman oo kaliya 12 bilood Waxaana in badan lala Xiriirnayey kooxo badan oo yurub ah oo ay ugu horeeyaan Manchester City iyo Bayren Munich.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook