Cristiano Ronaldo iyo Zinedine Zidane oo ku Guuleystey abaal marinta ‘Onze d’Or.’+Sawirro

Macalinka iyo Xidiga Hogaamiya Naadiga guulaha 2017 ee Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Zinedine Zidane ayaa ku guuleystey abaal marinta loo yaqaan ‘Onze d’Or.’

Cristiano Ronaldo iyo Zinedine Zidane ayaa Majalada Onze Mundial, ee ka soo dalka France u garatay in ay ahaayeen Macalinkii iyo Cayaaryhankii ugu fiicnaa Horyaalka La Liga 2016-2017.

Ronaldo ayaa codadkii laqaaday Waxa uu kahelay 36.17% Waxaana kaalinta labaad u galay Leo Messi oo helay codad gaaraya (17.28%) halka kaalinta 3 aad uu soo ciriirsaday Antoine Griezmann (10.57%).

Cayaartoydii kale ee qaybta ahaa codbixinta ee laga Guuleystey Waxaa ka mid ahaa Kante, Mbappe, Cavani, Neymar, Hazard, Benzema, Lewandowski iyo Sergio Ramos.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook