Cristiano Ronaldo oo Guul weyn u Horseedey dalkiisa Portugal +SAWIRRO

Xidiga xulka dalka Portugal iyo Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa Guul muhiim ahayd u horseedey dalkiisa kulankii isreeb reebka koobka aduunka ee ay ladheeleen dalka Latvia.
Cristiano Ronaldo oo lagu Neynaaso boqorka Goolasha ayaa dhaliyey 2 ka mid ah 3 dii Gool ee ay Guusha ku gaareen waxayna Cadaadis Saareen dalka dhibco ahaan ka horeeya ee Switzerland kaas oo laftiisu 2-0 kaga badiyey dalka Faroe Islands.
Cayaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa sii dheereystey Recordka Goolasha xulkiisa oo uu yahay Cayaaryahanka hogaaminaya waxaana uu hada leeyahay 73 Gool.
Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com