Daawo Video Sida Maanta looga ciiday Magaalada Oslo

 

Shacabka Muslimiinta ah iyo Jaaliyadda Sooaaliyeed ee ku Nool Magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegay maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul Fidriga oo ku beegan maanta, iyadoo fantasiye balaaran oo arintaas ku saabsan laga dareemayo magaalada

Muslimiin iskugu jira rag, dumar iyo caruur, ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray Masaajidka wayn ee Towfiiq ee Magaalada Oslo taasoo tukadeen salaada ciida Iyagoo isugu Hambalyaynaya Farxadda Cidda iyo Dhamaantii Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ay soomalaida ka dagantahay Magaalada Oslo ayaa waxaa saaka lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ay ku ciyaaraan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook