(Dhacdo YAAB leh )Tababare la ceyriyay kaddib markii ay kooxdiisa ku adkaatay 25-0 +Sawirro

Tababare leylinayay koox yar oo ka ciyaarta horyaalka yar yarka ee Spain ayaa shaqada laga ceyriyay kaddib markii ay kooxdiisu ku adkaatay 25-0.

CD Serranos ayaa 25 gool ku shaq shaqday Benicalap C intii lagu guda jiray kulan ay ciyaarayeen laacibiinta ka yar 11-jirada ee horaantii bishan ka dhacay magaalada Valencia ee dalka Spain.

Tababaraha oo ilaa iminka la sheegin magaciisa ayaa albaabka loo tilmaamay maadaama xushmad dari iyo niyad jabin lagu sheegay goolasha faraha badan ay kooxdiisu ku adkaatay.

“Waxaan ka hadleynaa caruur dhiganeysa dugsi hoose, waxa aan mudnaanta siineyno ee ka sareeya natiijada waa qiimaha gaark ah,” Isku-duwaha CD Serranos Pablo Alcaide ayaa sidaa u sheegay Marca.

“Waxaan isku daynaa inaan naxariis iyo xushmad u gudbino kuwa naga soo hor-jeeda.

“Taasina waa sababta ay ahayd inuu xushmad wayn u muujiyo kuwa naga soo horjeeda isla markaana uu yare xakameeyo goolasha, maxaa yeelay ugu dambeyn 11-jir ma aadi karo guriga iyadoo ay dusha u saran tahay 25-gool, aad ayay u adag tahay midaa.”.

Qof u hadlayay kooxda Barcelona oo sheekadan isna wax ka yiri ayaa yiri:

“Haddii uu jiro farqi badan oo goolasha, wax ka badan 10-gool, waxaan joojineynaa inaan goolasha ku qorno boorka lagu qoro inkastoo ay ka soo muuqaneyso warbixinta garsooraha.

“Ma u sheegi kartid ciyaartoyda inaysan dhalin goolal, tartanka waa qeyb ka mid ah tababarka, waxay noqoneysaa inaan fariin qalad ah direyno.

“Laakiin waxa aan sameynayno waa inaan ciyaartoyda ku tijaabino boosas kala duwan si ay natiijada ciyaarta u noqon mid wayn.

Qof kale oo u hadlayay naadiga Real Betis ayaa isna sheegay inay tahay inaad xushmad u muujiso kooxda kaa soo horjeeda ee ma ahan inaad ihaaneysato.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook