opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dowlada Somalia oo War deg deg ah ka soo saartay Qaraxa ka dhacay Wadajir +COD

Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Qaraxa duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday Gaari Caasi ah oo lagu soo raray Khudaar, laguna soo dhexqariyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana Qaraxan laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) oo warbaahinta kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen in ka badan 10 Qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9 Qof oo shacab ah.

Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Qaraxan ku eedeeyay Shabaab, wuxuuna sheegay mar walba in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Dadka Qaraxan ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan, Guddoomiyaha ururka Haweenka degmada, Xoghayaha degmadaasi, Madaxa Ciyaaraha degmada Wadajir Catoosh.

Masuuliyiinta Adeegga Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa inoo sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, kuwaasi oo goobta ka qaaday dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Dowladda Federaalka ayaa maalmahan waday qorshe lagu xaqiijinayo amniga, waxaana Qaraxan uu ku soo aadayaa xilli Dowladda ay xirtay jidcadayaasha soo gala laamiyada, taasi oo ay sheegtay in ay uga gol leedahay sugidda amniga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook