Galmudug oo Gaalkacyo kusoo bandhigtay rag dil geystay iyo hubkooda +COD

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay xalay Magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigeen shan nin oo dhawaan dad Shacab ah oo haween iyo Carruur ay ku jiraan ku dilay degaan oo hoos yimaada degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Xeerilaaliyaha gobolka Mudug Maxamed Cilmi Gulaafe ayaa Saxaafada u sheegay in raggaan laga soo qabtay Bariga gobolka Mudug ka dib howlgal culus oo ay saameeyeen Ciidamada maamulka Galmudug.

Waxaa uu tilmaamay Gulaafe in raggaasi ay la dagaalameen Ciidamada , islamarkaana ugu dambeyntii Ciidamada Ammaanka ay qabteen raggaasi oo bad qaba.

Xeerilaaliyaha gobolka Mudug ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in raggaasi in ku xiran yihiin Saldhiga degmada Gaalkacyo.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Galmudug oo Gaalkacyo kusoo bandhigtay rag dil geystay iyo hubkooda +COD”

  1. mohamed sulub says:

    Anigu waxan latalin laha Dadka konfurta gobalka mudug ku nool,intii mudo ah waxad wadeen Dagaal khaldan oo Qab Argagixiso oo kale ah,dadka aad la dagalameysan oo waxad karabtan aan la’aqoon? & waxad kahelaysan midna? 26 sano in ka badan ayad dagal ku haysan dadka majertenka ah oo aad dariska tihin,wax aad ka dhefteen majirto oo aan ahan caro ilahay> ma dhamen kartan ilahay aya wax dhamen kara,waxad kaqadaysan balato aydan ka so waqasan karin oo dhanka rabi idinka imanaya,hadeer waxad haysan abaar & cudur ama colad rabani ah.

Leave a Reply to mohamed sulub Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook