opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Halkee Lagu Diyaariyey Gaarigii Lagu Qarxiyey Wadajir?

Share

Gaari nooca loo yaqaano Homey ayaa maanta lagu qarxiyey xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ay dad badan su’aallo iska weydiiyeen halka gaaarigan uu soo maray maadaama Muqdisho amnigeeda la adkeeyay.

Gaarigan ayaa lagu soo diyaariyey degmada Afgooye ee gobolkaa Shabellaha Hoose, balse xalay wuxuu ku hoyday degmada Wadajir sida xogta ay ku heshay Wardoon.net.

Shalay gabal dhacii ayuu soo galay Muqdisho isaga oo ay ka buuxaan Qudaar, walibana qaraxyada hoos loo dhigay, mana wadin shaqsiga la rumeysan yahay inuu is qarxiyey.

Waxaa waday shaqsi kale oo illaa hadda la ogeyn meel uu galay, balse isaga ayaa soo dhaafiyey Ex-control Afgooye.

Inta gaariga uu soo socday waxaa dhowr Kontarool ku istaajiyey ciidamada xisilinta Caasimadda, balse ma aanay dareemin inuu sido walxaha qarxa.

Ilo sirdoon ah ayaa inoo sheegay in saakay meel ku dhow xarunta degmada lagu arkay gaarigan, balse uu iska dhigay wax ay cillad yar gashay una socda suuqa weyn ee Madiino.

Shaki buuran kama aanay qaadin ciidamada oo waa ay kasii tageen, balse si lama filaan ah ayaa loogu weeraray gaarigan xarunta degmada Wadajir.

Ma jirin cabsi ah in qarax intaan la eg in lagu soo weeraro xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook