Hay,adda Socdaalka Adduunka oo Ka hadashay Dhalinyaro Somaaliyed oo Liibiya ku dhibaateysan+COD

Muqdisho (Kalshaale) Hay’adda Q.M u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ay jiraan dadaalo lagu soo samata bixiyo ku dhowaad 200 muhaajiriin ah oo ka yimid Somalia iyo Ethiopia kuwaasoo magafayaal ay afduub ahaan ugu haystaan Libya, sidoo kalena ay madaxfurasho ka dalbanayaan.

Dhinaca kale, safaaradda Somalia ee Libya ayaa sheegtay in dadkaasi lagu hayso meellaha ay ka taliyaan mucaaradka Libya, isla markaana ay adag tahay inay dadkaasi wax u qabtaan mar haddii aanay tagi karin halkaasi oo aan loo oggoleyn.

Hoos ka Dhageyso warbixinta hay’adda IOM iyo wareysigaa danjiraha Soomaaliya ee Libya Muxyadiin Kaalmooy.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook