Imisa Cayaaryahan oo France ah ayaa ka dheeshey Horyaalka Premier League Taariikhda?

Horyaalka Premier League dalka England waxaa lagu Tilmaamaa kan ugu badan ee ay ka dheeleen Cayaartoyda aan u dhalan dalka England kuwaas oo u kala Cayaaray kooxaha Horyaalkaas.

Premier League dalka England Waxaa ka dheeshey 194 Cayaaryahan oo u dhalatay dalka France kuwaas oo ay kujireen kuwo Magac weyn kuleh Calaamka isla Markaana ku Guuleystey Horyaalo iyo koobab qaali ah.

Tirada faraha badan ee Cayaartoyda dalka France ee ka dheeshey Horyaalka Premier League ayaa kor u sii kacday Markii Macalin Arsene Wenger loo magacaabay Hogaamiyaha kooxda London waxaana uu keenay Cayaartoy badan oo ay France ka soo wada jeedaan,

Xidigihii ugu Magaca weynaa ee ka Cayaaray Horyaalka dalka England ee u dhashay dalka France waxaa ka mid ahaa Eric Cantona; Thierry Henry; Nicolas Anelka; Samir Nasri; Patrice Evra; Emmanuel Petit; Claude Makelele; Robert Pires iyo Patrick Viera;kuwa hada ka dheelana waxaa ugu magac weyn Paul Pogba, N’Golo Kante, Anthony Martial iyo Olivier Giroud,

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook