Khayre oo xalay saqdii dhexe kormeeray degmooyin iyo Isgoosyo kuyaala Muqdisho +Sawiro

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer shaqo ku maray qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir kasoo oo uu ugu kuurgalayey sida ay ku socdaan howlaha xasilinta amniga caasimadda.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo la xiriiray dhiirrigalinta howlaha Ciidamada Xasilinta Amniga Caasimadda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

Degmooyinka uu xalay kormeerka ku maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah:- Wadjir, Hodan, Howlwadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray.

Meelaha uu kormeeray RW ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Bakaaraha oo uu kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku socdaalay wadada dheer ee Wadnaha ayaa u sii gudbay dagmada Yaaqshiid, halkaasoo ay sidoo kale ka howlgalayeen Ciidamada howgalka Xasilinta Amniga Caasimadda.

Isgoysyada Qaar wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kula kulmay dadweyne Soomaaliyeed oo dhallinyaro iyo waayeel isugu jiray, kuwaasoo qaarkood ku gudajiray howlo ganacsi, iyadoo saacaddu ay ka gudubtay 12:00 saq dhexe.

Qaar kamid ah Dadweynaha uu Waddooyinka kula kulmay Mudane Kheyre ayaa bogaadiyay go’aanka Xukuumadda ee lagu Xasilinayo Amniga Caasimadda, waxayna ra’iisul wasaaraha u sheegeen in ay dareemeen isbadal iyo xasillooni ku timid Ammaanka Muqdisho.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook