opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Malleeshiyaadkii Baanyaaleey oo kala qaaday iyo tirada dhimashada oo korortay +COD

Share

Guutada 52-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay ku guuleysteen kala qaadista malleeshiyo beeleed ku dagaallamayay maalmahan gobolka Hiiraan.

Dagaalka beeleedka oo ka soconayay degaanka Baanyaaleey oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka millateriga Jeneraal Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sameeyeen kaddib ay ku guuleysteen inay kala qaadaan malleeshiyaadkii degaankaasi isku horfadhiyay.

Xaaladda ayuu ku sheegay inay tahay mid deggan oo degaanka hadda ay ku wada sugan yihiin waxgarad labada beel ah si ay uga wada hadlaan wixii dhacay iyo nabadda degaanka.

 

Sidoo kale Ururka Ahlusunna ayaa sheegtay inay kuguuleysteen inay kala qaadaan Maleeshiyaadkii ku dagaalamayay Degaanka Baanyaaleey ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Madaxa Warfaafinta Ahlusunna Muxuyadiin Cali Jimcaale Jakuula oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in ay kala qaadeen Maleeshiyaadkii Dagaalamay islamarkaana ay kal durjiyeen illaa 10 KM.

Sidoo kale Madaxa Warfaafinta Ahlusunna ayaa sheegay in Goobtaasi ay ka qaadeen Meydadka Lix Qof oo ku dhintay Dagaalkii ka dhacay halkaas islamarkaana lagu Wareejiyay Ehelkooda si loo aaso.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook