Maqaayada Pizza House oo dib udhis lagubilaabay +Sawirro

Dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo gabdho ayaa saakay olole nadaafadeed oo loogu magac daray Isxilqaan waxa ay ka bilaabeen Maqaayada Pizza House oo sadex habeen kahor Weerar ismiidaamin iyo mid toos ah lagu qaaday.

Maqaayada Pizza Hpuse ayaa aheed goob ay inta badan dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho u tagaan dalxiis , waxaana inta badan halkaasi dhalinyarada isaga soo qaadi jireen sawiro ada u qurxoon maadaama goobta ay aheed goob si weyn loo qurxiyay.

Waxaa saakay halkaasi isugu tagay dhalinyaro badan oo Maqaayadaasi ku xirnaa kuwaa oo aad uga xumaaday weerarka lagu qaaday, waxa ayna dhalinyarada halkaasi ka bilaabeen olole lagu nadiifinayay maqaayadaasi ay wali yaaleen dhiig kana muuqatay raadadka weerarkii lagu qaaday.

 

Weerar lagu qaaday Sadex habeen kahor Maqaayadaha Pizza House iyo Bosh oo kuyaala Degmada Hodan waxaa ku dhintay dad ka badan 20-qof uu u badnaa dhalinayro dalxiis iyo afur u tagay Maqaayada Pizza House, waxaana weerarkan masuuliyadiisa sheegtay kooxda Al Shabaab.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook