opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ronaldo Oo Hal Shuruud Ku Xiray Sii Joogistiisa Real Madrid

Share

Cayaaryahan Ronaldo ayaa Real Madrid u sheegay hadal aanay jeclaysanin, kaas oo ku saabsan mustaqbalkiisa iyo xaaladda cakiran ee wakhtigan u dhexaysa.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo dalka Spain gudihiisa ah, Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay masuuliyiinta Real Madrid in sida kaliya ee uu kula joogi karayo ay tahay inay ka bixiyaan lacagta lagu eedeeyey inay ku maqan tahay ee maxakamadda kiiskeeda loo gudbiyey oo dhan 14 milyan oo Euro.

Ronaldo waxa kale oo uu kooxda ku wargeliyey inuu usii ciyaari doono haddii ay dhabarka u ritaan waxyaabaha kale ee ay suurtogalka tahay inay maxkamadda ka soo baxaan, taas oo ay suurtogal tahay in lagu xukumo bixinta lacagtii ku maqnayd iyo mid kale oo ganaax ah.

Lama garanayo waxa Real Madrid ay ka yeeli doonto go’aanka Ronaldo, hase yeeshee, waxay hore ugu sheegtay in aanay ku khasbi doonin inuu sii joogo Bernabeu haddii uu ku adkaysto go’aankiisa ah inuu tegayo, waxaana ay goysay lacagta ay ku iibinayso oo dhan 175 Milyan Oo Gini, taas oo ay hoos u dhigtay lacagtii lagu burburin karayay heshiiskiisa oo ahaa 1 bilyan oo Euro.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook