opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ronaldo oo Tima jare isubedelay +Sawiro

Share

Cayaaryaahnkii weynaa ee Xulka dalka Braziil Luis Ronaldo ayaa dib usoo nooleeyey qaabkii layaabka lahaa ee uu Timaha u jartay xiligii uu Braziil u qaaday koobkii aduunka ee Sanadkii 2002 dii.

Ronaldo ayaa dhoor yar ku soo reebtay Madaxa weliba qaybta Wejiga ka koreysa waxaana qaab Xiirashadaas ay ka mid Noqtey Xiirashada timaha ee dunida oo dhan ugu Caansan Waxaana Jartay dhalinyaro fara badan oo dunida ku kala nool.

Xidigii weynaa ee dalka Braziil ayaa hadaba mid ka mid ah dhalinyarada sida waalida ah u taageerta Timaha ugu jaray qaabkii Sanadkii 2002 dii uu Timaha u jartay Xiligaas oo uu Braziil u qaaday koobkii aduunka ee ay wada marti geliyeen dalalka Korea iyo Japan.

Ninkaan oo hada 40 Sano jir ah ayaa ka qayb qaatay Arbacadii barnaamij uu sii daayo TV dalka Spain waxaana intii uu barnamijku socdey ka soo dhex baxday in uu mid ka mid ah Taageerayaashiisa da.da yar Timaha ugu jaro sidii uu u jartay Sanadkii 2002.

Ronaldo ayaa Nabaro yar yar Gaarsiiyey wiilka yar intii uu Timaha u jarayey maadaama uusan ahayn xirfadle Timo jare ah Waxaana Xidigaan lagu Xasuustaa in badan 2 dii Gool ee uu dhaliyey Finalkii koobka aduunka 2002 oo ay ka qaadeen dalka Jarmalka isaga oo sidoo kale ku Guuleystey xiligaas Gool dhalinta koobka aduunka.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook