Shabaab oo 15 Oday ah ku xeray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug ee Galmudug gaar ahaan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Xabsiga dhigeen Odayaal ku nool Degmadaasi.

Odayaasha Shabaab ay Xir xireen ayaa gaaraya 15 Oday oo ah kuwa Magaalada Xarardheere.

Warar aan ka helnay Dadka Degmada Xarardheere ayaa sheegaya in Sababta loo xiray Odayaasha ay yihiin ka dib markii ay ka biyo diideen Amar uga yimid Saraakiisha Shabaab ee Xarardheere jooga.

Amarkaas ayaa ahaa in Odayaasha Degaanka ay keenaan Dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo ah kuwa degaanka,iyadoo Odayaasha la Xir xiray ay ka soo horjeesteen Amarka Xarakada Al-shabaab.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook