Soomali kasoo baxay saladda taraawiixda oo London gaari lagu marsiiyay +Sawirro

Shacab Soomali ah iyo Muslimiin kale oo Kasoo baxay Saladda Taraawiixda ayaa Xalay waxaa gaari wayn oo VAN ah lagu marsiiyay Laamiga wayn ee kasoo horjeeda Masjidka Finsbury Park ee Waqooyiga London .

Gaariga wayn ee VAN ga ah ayaa waxa uu Jiiray dadyoow badan oo isugu jira Soomaali iyo Shacabka kale oo Muslimiin ah oo xiligaas kasoo baxay Saladda Taraawiixda ee Masjidka Finsbury Park ee London Wuxuuna Gaariga lagu dhuftay Sida la sheegay dugaan ku dhagnaa masjidka .

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Finsbury Park ee Waqooyiga Lodnon ayaa sheegaya in Goobta shilka ka dhacay ay ku Dhintayn sadax ruux oo Labo ka mid ah loo maleenayo in ay Soomaali yihiin iyo hal qof kale oo Muslimiinta Masidka kasoo baxday ah Waxaana wararka intaa ku darayaan in ay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray Dadkii kasoo baxay Masjidka.

Mid kmid ah Dadkii kasoo baxay Masjid ka ayaa sheegay in uu arkay Labo Soomali ah oo Laamiga yaala oo loo maleenayo in ay dhintayn Wuxuna sheegay in uu arkay Hooyo Soomaali ah oo Daawac Culus a ah ,Waxuuna sheegay ninkaas goob jooga ahaa in uu arkayay dhaawacyo badan oo Soomaali iyo Muslimiin kale oo gaariga lamariyay.

Ugu danbayntii Waxaa la Xaqiijiyay in ay dhintayn Sadax Ruux Dhaawacana uu caga cageenayo 16 kale waxaana La sheegay in la qabtay Ninkii Waday Gaariga Van ga ah ,wuxuna hada ku Jiraa Gacanta Ciidamada Booliska Magaalada London Waxaana Goobta Shilka ka dhacay soo gaaraya Gawaarida Gurmadka oo daad gureenaya Dadka ku dhaawacmay Shilka.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook