UEFA oo bilaabi doonta bixinta abaal marino shaqsiyadeed

Waxaa lagu dhawaaqay in xiriirka UEFA ay soo bandhigi doonaan abaalmarino cusub kuwaasi oo la bixin doono inta lagu jiro isku aadka wareega group-yada Champions League ee 24ka August kaasi oo ka dhacaya Monaco,waxaana kamid ah Goolhayeha ugu wanaagsan, daafaca, ciyaaryahanka khadka dhexe iyo weerarkaba kuwaasi oo si shaqsi ah loo qiimayn doono.

Sidoo kale xiriirka UEFA ayaa bixin doona xiddiga ugu wnaaagsan tartanka Europa League,waxaa la dhiibi doonaa isku aadka inta lagu jiro isku aadka wareega group-yada tartanka sidoo kale abaal marinada kale waxaa kamid ah UEFA Best Male Player iyo gabadha iyo raga ugu wanaagsan yurub.

Qaabka codeynta ayaa waxaa ay ka koob naan doontaa tababarayaasha iyo kabtanada ka qayb gashay Champions League iyo Europa League wareegii 2016/17 waxaana socda 55 suxufi oo ka tirsan Mediayaha hoos taga Yurub (ESM), oo ka dhigan mid kasta oo mid walba oo ka mid ah ururada xubnaha ka ah UEFA, oo ay ku jiraan liiska MARCA.

Sikastaba abaalmarinta UEFA Champions League, oo ay la socdaan abaalmarinta UEFA Europa League, waxaa lagu dhawaaqi doonaa August 4, halka saddexda musharax ee raga ah UEFA Best Player ee iyo Dheddig lagu dhawaaqi doonaa 15 August, ka dib markii la soo gabagabeeyo 2017 UEFA Championship Women.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook