Dood kulul Kaalinta Warbaahinta iyo Doorashooyinka Norway+Sawirro+Video

Aqoon is waydaarsi looga doodayay kaalinta ay Warbaahinta Soomaliyeed ee Norway ka howl gashay kaga aadan sidii bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Norway uga qeyb-qaadan lahaayeen Doorashooyinka Baarlaminaga ah ee dhacaya bisha September ee Sanadkan 2017.

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa,waxaa soo agaasimay Xarunta Nabadda ee Grace fadhigeeduna yahay Magaalada Oslo, waxaana kasooqeyb galay inta badan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee kudhaqan Dalka Norway.

Agaasimaha Xarunta Nabadda ee Grace Mudane C/qaadir Diiriye ayaa ugu horeyntii sharaxad ka bixiyay ujeedada aqoon is waydaarsiga wuxuunu sheegey Maadaama ay fooda nagu hayso Doorashada guud ee Norway in warbaahinta Soomaaliyeed ee ka dhex shaqaysa Dalka Norway ay isku xilqaamaan sidii buslshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa islamrkana loo dareensiinlahaa ka qeyb galka siyaasada iyo bixinta Codka,maadaama buu yiri cod bixintu ay tahay awooda kala saartay siyaaasada bulshada soomaaliyeed aysan inbadan oo kamid ah aysan ku baraarugsaneyn.

C/llaahi Ciise Cali dheere iyo Cabdi Yuusuf faarax oo ah ruug cadaayaal saxaafadeed ayaa la wadaagay wariyaashii kulanka ka sooqeyb galay sida warbahintu ay Bulshada u bari karto dhaqanka Siyaasada,Dimuquraadiyada iyo dhiibashada Codka.

Wariyaashii kulanka kasooqeyb galay ayaa isla gorfeeyay siyaabaha ay tahay bulshada Soomaaliyeed loogu dhiiro-galiyo iney ka qeyb-galaaan siyaasada gaar ahaan dhalinyarada islamarkaan maalinta codbixinta Soomalidu ay codkooda u dhiibtaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee Norway ayaa kaga jira kaalinta 4-aad Qowmiyadaha Ajaanibka ah ee ku dhaqanka Norway ee xaqa u leh iney codeeyaan, waxaana ka horeeya Pakistanta,Ciraaqiyiinta iyo Vietnaamka.

Aqoon iswaydaarsigaan loo qabtay Warbaahinta Soomaaliyeed ee Norway ,ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee lagu qabto Norway, ayadoona ay Xarunta Nabadda ee Grace iyo Warbaahinta NorSom News ay dhawaanahaan wadeen olole dhanka warbaahinta busklshada ah (Social Media) kaa oo bulshada logu soo bandhigyay waxa ay tahay Dimuquraadiyada iyo ka qeyb-galka Siyaasada, tayada iyo tirakoobka Soomaalida Norway iyo waxa ay u taaganyihiin Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka. Grace Center iyo NorSom News oo iskaa shananaya ayaa dhawaan la rajeynayaa iney kulamo iyo dooda ay ka sooqeyb-galayaan Xisbiyada Siyaasada iney ku qabtaan Magaalooyinka ay Soomalidu ku badanyihiin si bulshada faham dhameystiran looga siyaasiyo xisbiyada iyo wax ay taaganyihiin iyo sababaha uu xisbi waliba u doonayo iney asagu kursiga ku guuleysto.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook