Xuska 01 Luulyo oo lagu qabtay Fredrikstad Norway+50 Sawirro+Video

Kumanaan Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay xaflad lagu maamuusayay Sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay markii uu dalka Soomaaliya ka xoroobay gumestihii goboladda kala haystay taas oo ka dhacday magaalada Fredrikstad ee Dalka Norway.

Waxaa munaasabadan goobjoog ka ahaa shaqsiyaas si weyn bulshada looga dhexyaqaan, iyo Masuuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka Fredrikstad, kuwaas oo dhamaantood si weyn ugu xeel dheeraaday ka sheekaynta ahmiyada ay malmahani u leeyihii Umadda Soomaaliyeed.

Jaaliyada Soomaaliyeed oo soo abaabulay xafladan ayaa dhankooda sheegay in ujeedkoodu yahay in Jiilasha soo koraya iyo kuwa imaan doona ay dhaxlaan taariikhdooda loona qeexo marxaladihii loo soo maray halgankii xoriyada iyo isbadaladii Guulaha iyo Guuldaradaba xanbaarsanaa taas oo si cad u sharaxaysa wixii dhacay xiligii Gumeystaha iyo Kadiba.

 

Inta badan caalamka ayaa laga xusaa maalintan taas oo astaan u ah jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Koox fanaanin ah ayaa halkaas kusoo bandhigay wadani ah halka Abwaan Soomaaiyeedna uu ku soo bandhigay Gabayo aad u qiiro badan oo ka hadlaya Ahmiyada xornimada iyo jiritaanka Umadda.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxay ku soo idlaatay Jawi aad u dagan.

 

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook