opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Alexis Sanchez oo lagu Qasbay Inuu Dhameysto Qandaraaskiisa

Share

Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuusan ka tagi doonin Arsenal islamarkaaana uu dhameysan doono 12 bilood ee ugu dambeya qandaraaskiisa Emirates Stadium.

Sanchez ayaa dhameysan doona qandaraaskiisa Arsenal oo dhacaya xagaaga soo aadan, kadib markii weeraryahanka uu diiday inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lacag weyn usoo bandhigeysa 28-sano jirkaan, laakiin kooxda ka dhisan Ligue 1 ayaa culeys kala kulmeysa Bayern Munich oo laba jibaartay xiisihii ay u qabtay Sanchez.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la sheegay inuu diiday Sanchez in ku biiro kooxda ay ku xifaaltamaaan Premier League ee Manchester City.

Sida laga soo xigtay The Mirror, weeraryahanka ayaa diyaar waxa uu u yahay inuu aqbalo mowqifka kooxdiisa, waxaana uu dhameysan doonaa heshiiskiisa.

Warbixintu waxay sheegtay in Sanchez uusan rabin in uu sii joogo Arsenal xagaaga soo socda, laakiin wuxuu ku qasban yahay inuu dhameysto qandaraaskiisa oo gaaraya ilaa June 2018.

Weeraryahankii hore ee Barcelona, ​ayaa dhaliyay 30 gool 51 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin taribuunka ayuu ka daawanayay kulankii Community Shield ee Wembley ka dhacay shalay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook