opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Daawo Sawirada sida ay Real Madrid ugu dabaal degtay Super Cup

Share

Real Madrid ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka UEFA Super Cup kadib markii ay 2-1 ku garaacday Manchester United. Casemiro iyo Isco ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay sii difaacato koobka UEFA Super Cup si la mid ah qaabkii ay Champions Leaque-ga u soo difaacatay. Jose Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils ayaa la kulmay guuldaro xanuun badan iyaga oo seegay fursada ay koobkan ugu guulaysan kareen.

Rekoodhka Zinedine Zidane ee finaladii uu Madrid la soo gaadhay iyo guulihii xidhiidhka ahaa ayaa halkooda ka sii socda isaga oo meesha ka saaray rekoodhkii layaabka lahaa ee uu Mourinho soo haystay. Real Madrid ayaa xili ciyaareedka cusub ku furatay koobka UEFA Super Cup.

SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA KOOXOOD:

REAL MADRID: Navas, Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo, Kroos, Casemiro, Modric, Isco, Benzema, Bale.

KAYDKA:Casilla, Nacho, Ronaldo, Hernandez, Vasquez, Asensio, Kovacic.

MAN UNITED:De Gea, Valencia, Lindelof, Smalling, Darmian, Nemanja Matic, Herrera, Poul Pogba, Mkhitaryan, Lingard, Lukaku.

KAYDKA:Romero, Blind, Carrick, Fellaini, Mata, Martial, Rashford.

Zidane ayaan kulankan shaxdiisa ku soo bilaabin Cristiano Ronaldo maadaama oo aanu taam buuxa u ahayn laakiin Jose Mourinho ayaa shaxdiisa ku soo wada bilaabay saddexda saxiix ee uu xagaagan sameeyay oo kala ah Matic, Lindelof iyo Lukaku.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook