opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dhageyso: K/galbeed Oo Hub Ku Wareejisay Mukhtaar Roobow

Share

 

Maamulka K/galbeed iyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hub ay ku wareejiyeen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur sidoo kalena ay ciidan u geeyeen si ay uga difaacaan Al-shabaab.

Afhayeenka maamulkaan Nuuradiin Yuusuf Abukar ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa K/galbeed ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Abal ee lagu dagaallamay.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in ciidamadan Abal gaaray ay lasii dagaallami doonaan Al-shabaab, ayna tagi doonaan deegaanno hor leh, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab ayuu sheegay in la gaaray waqtigii lasoo afjari lahaa, tanina ay noqon doonto fursaddii ugu dambeysay ee maamulkooda soo marta si ay Al-shabaab uga saaraan goballadooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook