opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Diego Costa iyo kooxdiisa Chelsea oo is dacweynaya

Share

Kooxda kubada Cagta Chelsea ayaa lasheegayaa in ay Maxkamad lafuuli doonto Weeraryahankeeda Diego Costa oo dhawaan ay iska fasaxeen balse kula jira qandaraas weli.

Naadiga Chelsea ayaa lasheegay in ay dooneyso in ay Lacag badan ku iibiyaan Cayaaryaahnka dalka Spain oo ay dooneyso kooxda AC Milan balse Diego Costa ayaa diidey in uu aado koox aan Atletico Madrid.

Naadida dalka Spain ee Atletico Madrid ayaa sheegtay in aysan wax lacag ah ku iibsan doonin Diego Costa laakiin ay ku qaadan karaan oo kaliya heshiiska Xorta halka Chelsea aysan taa ogolaan doonin.

Diego Costa oo Xiligii la soo dhaafay Chelsea kula Guuleystey Horyaalka dalka England ayaa waxaa Fariin qoraaleed u diray Macalinkiisa Antonio Conte kaas oo u sheegay in uu aado halkii uu doono oo uusan ku soo laaban kooxdiisa sidaa daraadeed ayuu doonayaan Costa in aan wax lacag ah lagu iibsan si uu u helo heshiis uu ku qaadan karayo lacag aad u badan.

Ricardo Cardoso oo ah qareenka Diego Costa ayaa sheegay in Chelsea ay fasaqeen heshiiskii uu kula jirey Cayaaryahankiisu sidaa daraadeed aysan wax shaqo ku lahayn kooxdii uu aadayo isla Markaana aysan wax lacag ah ku iibsan karayn halka Chelsea ay ku doodeyso in leedahay Xiddigaan ayna kula jirto heshiis.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook