Halkee kusuganyahay Diego Costa oo Chelsea laga Cayriyey?+Sawirro

Weeraryahanka dibad Jooga ah ee dhawaan laga cayriyey kooxda Chelsea Diego Costa ayaa xiligaan Tababar kula qaadanaya Saaxiibadii dalka Braziil dalkaas oo ay joogaan qoyskiisa iyo asxaabtiisa maadaama uu yahay dalka rasmiga ah ee uu u dhashay.

Diego Costa oo aan ilaa hada ku biirin koox uu u dheelo ayaa lasheegayaa in uu kujiro diyaar garoow kaligii ah isla Markaana uu Rajo ka qabo in uu Xiliga soo socda ku biiro kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Cayaaryaahnkii hore ee kooxda Chelsea Diego Costa ayaa dhexda kaga jira muran ku saabsan qaabkii uu Xidigaan uga tagi lahaa Naadigiisii hore kaas oo ku doodaya in ay ka iibin karayaan kooxdii ay doonaan halka uu isagu leeyahay xor ayaan ahay waxaanan ku biiri doonaa oo kaliya Atletico Madrid in kasta kooxdaan uu Saaranyahay ganaax dhamaanaya bisha Janaayo 2018.

Xiddigaan ayaa bartiisa Instagram soo dhigay Sawiro muujinaya isaga oo Tababar qaadanaya waxaana uu sheegay in uu kusuganyahay Braziil isla Markaana uu dhawaan Go aan ka gaari doono Mustaqbalkiisa.

Tan iyo Markii uu Antonio Conte Fariin qoraaleed uga Cayriyey Chelsea Weeraryahankii xiligii la soo dhaafay u qaaday Horyaalka England ee Diego Costa waxaa soo baxayey hadalo u muuqday shalaay oo ka imaanaya maamulka iyo Macalinkiisii hore kuwaas oo sida muuqata ku hungoobey in kasta oo uusan waqti fiican helin Weeraryahankii ay badalkiisa u soo qaateen ee Alavro Morata kaas oo Real Madrid kaga iibsatay 70 Milyan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook