opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Lixdan caruur ah oo kudhimatay Isbitaal kuyaal India +Sawirro

Share

Lixdameeyo carruur ah ayaa ku dhimatay isbitaal ku yaalla waqooyiga Hindiya, sida ay saraakiishu sheegayaan.

Waxaa jira eedeymo sheegaya in hawada oxygen-ta ee dadka xanuunsan qaarkood lagu xiro laga jaray isbitaalka sababo la xiriira lacagaha oo aan la bixin.

Saraakiisha gobolka Uttar Pradesh ayaa qiray in la jaray adeegga hawada oksojiinta, balse waxay dafireen inay dhimasho sababtay.

Qoysaska dadka isbitaalka ku jira ayaa la arkayay iyagoo bacaha neef ku siinaya bukaanka.
Dhimashada carruurtan ayaa ka dhacday isbitaalka Baba Raghav Das oo ku yaalla degmada Gorakhpur waxayna soo bilaabatay Isniintii.

Wasiirka caafimaadka dalkaasi Sidharth Nath Singh ayaa sidoo kale beeniyay inay carruurta u dhinteen oksojiin la`aan, wuxuuna xusay iney baarayaan waxyaabaha sababay dhimashada deg deg ah ee caruurtan.

Gobolka Uttar Pradesh ayaa ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalka Hindiya waxaana sanadkiiba ku dhinta boqollaal carruur ah sababo la xiriira nafaqo daro iyo cudurada faafa.






Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook