opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxwaynaha Cusub ee Kenya oo Lagu dhowaaqay +Video

Share

Guuddiga Doorashada dalka Kenya ayaa goordhaw si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha ee dalkaasi ka dhacday, waxaana mar kale ku guuleestay in dalka Kenya Madaxweyne ka noqdo Uhuru Kenyatta

Madaxwene Uhuru Kenyatta ayaa helay codadkii la dhiibtay 54% halka musharaxii kale ee la tartamayay ee ka socday xisbiga Mucaaradka ee NASA uu isna helay 44% codadkii a dhiibteen dadka Kenya ee dooranayay Madaxweynahooda cusub.

Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya uu hogaaminayay Raila Odinga ayaa dhankooda shaaciyay in aysan ku qanacsaneyn natiijada Guddiga doorashada shaaciyeen , waxa ayna Mucaaradka sheegeen in doorashada aysan ka marneyn wax isdaba marin.

Kormeerayaasha Caalamiga ee kor kala socday doorashada ka dhacday dalka Kenya ayaa dhankooda sheegay in doorashada u dhacday si xalaal ah, waxa ayna amaan iyo bogaadin usoo jeediyeen Guddiga doorashooyinka dalka Kenya gacanta ku hayay.

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xilkan sii heyn doona shanta sano ee soo socata, waxaana qeybo badan oo kamid ah dalka Kenya ka bilowday dabaal degyo waa weyn oo lagu taageerayo guusha Xisbiga talada dalkaasi hayay ee Jubulee oo mar kale doorashada guul ka gaaray.

Doorashada ka dhacday dalka Kenya waxaa codkooda dhiibtay 15,073,662 (Shan iyo Toban milyan, todobaatan iyo seddax kun lix boqol lixdan iyo laba) taas oo u dhiganta boqolkiiba 78.91%, waxaana horey doorashada isugu diwaan galiyay dad gaaraya 19, 611, 423.

Uhuru kenyatta oo lagu wareejiyay shahaadada Madaxweynanimada, Wuxuuna Khudbad u jeediyey shacabka Kenya iyo Siyaasiyiintii uu ka guulaystay, Isagoona sheegay inaysan Codow isku ahayn ee ay yihiin dad ku qudha iyo dal Qudha.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Kenya ayaa warqadda shahaahada ee madaxweynanimada siiyay Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashada Kenya.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook