Man United Oo Ku Guul Dareesatay Saxiixa Ivan Perisic

Tan iyo bilawgii xagaagan kooxda Man United waxay siweyn baadi goob ugu jirtay soo qaadashada Ivan Perisic oo Inter Milan ka tirsan.

Balse Jose Mourinho ayaa si rasmi ah saxaafada ugu sheegay in Man United ay ku guul dareesatay qorsho walbo ay Ivan Perisic ku keeni laheyd garoonka Old Trafford.

Mourinho mar wax laga weydiiyay sababta ay Ivan Perisic usoo qaadan waayeen wuxuu yiri “Waa kubada waxa lagu arko dhib malahan inaa mararka qaar cayaaryahanka aad rabtid heli weysid”

Inter Milan labo dalab oo Man United kasoo gaaray dhanka Ivan Perisic ayay iska diiday waxayna kooxda reer Talyaani ku adkeesatay in xidigaan ay ku fasixi karto 55-milyan oo euro ah weyna gaari weesay lacagtaas Man United inay bixiso.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook