opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Paulo Dybala Oo lasiiyay Lambarka 10-aad Kooxda Juventus

Share

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in hogaamiyaheeda Paulo Dybala la siiyay lambarka 10-aad.

Paulo Dybala ayaa aqbalay xirashada lambarka 10-aad oo ah lambar ku weyn kooxda Juventus horeyna usoo xirteen halyeeyaal waa weyn.

Paulo Dybala oo lagu naaneeso La Joya wuxuu Juve u xiran jiray lambarka 21-aad tan iyo markii sanadii 2015 uu naadiga Palermo kaga soo biiray.

Go’aanka Paulo Dybala lagu siiyay lambarka 10-aad labo arin ayaa ka dambeyso midi waxay tahay ganacsiga dhanka maaliyadaha Juventus sare u kici doonto iyo in cayaryahan lagu sii celiyo magaalada Turin mustaqbalka dheer.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa todobaadyadii ugu dambeesay siweyn loola xariirinaayay Paulo Dybala waxayna Juve usoo gudbiyeen labo dalab oo qiimo ahaan lagu sheegayo inuu gaarayo €120m.

Juventus horey halyeeyaal qiimo kubada ku leh ayaa lambarka 10-aad usoo xirteen waxaana ka mid ah Omar Sivori, Michel Platini, Roberto Baggio iyo Alessandro Del Piero.

Paul Pogba ayaa ahaa cayaarahankii ugu dambeeyay ee lamabrka 10-aad Juve u xirnaa balse hada Dybala ayaa lambarka buuxo xirtay kuna cayaari doono xili cayaareedka cusub 2017/18.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook