PSG Oo Bandhigi Doonto Saxiixa laacibka labaad ee dunida ugu qaalisan

 

Kooxda PSG ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleesatay saxiixa Kylian Mbappe sidoo kalena ay ka dhigi doonto laacibka labaad ee dunida ugu qaalisan.

Warbixin rasmi ah oo xarunta PSG laga soo xigtay ayaa lagu sheegay in Kylian Mbappe maalinta Isniinta ah lasoo badhigi doono asigoo xiran maaliyada kooxdan.

PSG waxay ku qaadaneysaa Kylian Mbappe aduun lacageed oo gaarayo 160 million euro sidoo kalena 20-milyan oo dheeraad ah aya gadaal ka bixin doontaa wuxuuna qiimaha guud isugu tagi doonaa 180-milyan euro ah.

Kooxda Monaco ayaa aqbashay inay wada xaajood rasmi ah PSG la gasho sidoo kalena Mbappe iyo aabihiis waxaa loo ogolaaday inay heshiiska shaqsiga iyo mushaaraadka PSG kala xaajoodaan.

Mbappe wuxuu ku dhashay magaalada Paris sidoo kalena 18-jirkaan waligiis PSG ayuu taageero u ahaa hadana maaliyada PSG ayaa si rasmi ah u xiran doonaa Isniinta nagu soo fool leh.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook