opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Rabshado kabilowday qeybo kamid ah dalka Kenya +Sawirro

Share

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in rabshado ay sameenayeen taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee looga adkaaday doorashada ay ka dhaceen qeybp kamid ah dalka Kenya.

Rabshado xoogan ayaa ka dhacay deegaano ay ku badan yihiin Taageerayaasha Hogaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga, kadib markii la shaaciyay doorashadii uu ku guuleestay Madaxweyne Uhurru Kenyatta.

Dadka rabshadaha iyo banaan baxyada sameenayay ayaa ka careesnaa guusha Madaxweyne Uhurru Kenaytta, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Madaxweyne Uhurru oo mar kale Madaxweyne loo doortay.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlay xaafaddaha isku-raranta ah ee Kibera iyo Mathare ee Nairobi, iyo xaafadaha kale ee saboolka ah, waxaana xaafadahan ku badan taagerayaasha mucaaradka.

 

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa awood u adeegsaday kahor taga banaan baxayaasha rabshadaha sameenayay , waxa ayna ciidamada rasaas iyo sunta dadka ilmada ka keenta u adeegsatay dadkii banaan baxa dhigayay.

 

Hay’adda Human Rights Watch ayaa booliska Kenya ugu baaqday inay is-xakameeyaan xiligan xasaasiga ah oo aanay awood u isticmaallin dadka dibadbaxyada sameynaya, waxa ayna uga digeen in awood badan isticmaalaan.

Cabsi xogan ayaa maanta laga dareemayaa dalka Kenya gaar ahaan goobaha ay ku xoogan yihiin dadka mucaaradka, waxaana heegan buuxa la galiyay ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa kahor taga rabshadaha.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook