opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Rag Hubeysan oo dad Aroos Galbinaayay ku Laayay deegaanka Dhabad

Share

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku soo waramaya in Gaadiid Galbinayay Aroos lagu risaaseeyay duleedka deegaanka dhabad ee hoostaga degmada Caabubwaaq ee Gobolkaasi Galgaduud.

Waxaa la sheegay in Rag hubeysan ee Wadada u galeen Gadiidkaas, kuna risaaseeyeen Xalay Fiidkii deegaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Cabdinuur ayaa sheegay in Seddex Qof ay ku dhaawacantay weerarkaasi, islamarkaana carabka ku dhuftay in ay baxsadeen Raggii ka danbeeyay falkaasi.

Waxaa uu tilmaamay in gaadiidkaasi oo ku siii jeeday Magaalada Caabudwaaq lagu Risaaseyay duleedka deegaanka Dhabad, kuwaas oo deegaanka keenay Aroos laga soo Galbiyay isla degmadaasi Caabudwaaq.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa keenay in Rasaas lagu furo Gaadiidkaasi, balse maamulka deegaanka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano la xariira dhacdadaasi,

Waxaana dadka ku dhaawacmay weerarkaasi loo soo qaaday Isbitaalo ku yaala Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, si xaaladooda caafimmad loogu dabiibo halkaasi .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook