opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wafdi Turkiga ah Oo Gaaray Magaalada Cadaado +Sawirro

Share

Magaalada Cadaado ee caasimada kmg ah ee dawlad gobaleedka galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, wafdigaan ayaa waxaa kamid ah dhaqaatiir Turki ah, gaar ahaan maamulka Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) magaalada Muqdisho.

Madaxdan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado, waxaana ujeedada safarkaan ahaa, sidii loo mataaneyn lahaa labada isbitaal Cadaado iyo Erdogan.

Isbitaalka Erdogan ayaa kan Cadaado ka taageeri doonaa daawooyinka, Qaliimada dadka aan Cadaado wax looga qaban karin oo si bilaash loogu dabiibi doono Isbitaalka Erdogan iyo tababarka Shaqaalaha.

Wafdiga ayaa sidoo kale Isbitaalka Cadaado geeyey daawooyin, maamulka isbitaalka iyo Bulshada Cadaado ayaa aad usoo dhaweeyey arintaan.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook