Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle oo Is Casilay & Xiisad ka taagan Jowhar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan inay is casileen 13 Wasiiro oo isugu jira Wasiir iyo Wasiir kuxigeeno, iyadoo uu sii xoogeystay ololaha ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Shir jaraa’id oo Wasiirada goor dhow ku qabteen Hotel ku yaalla magaalada Jowhar ayaa sheegay inay isku casileen waxqabad la’aan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday.

Qaar ka mid ah Wasiirada is casilay ayaa ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, iyagoo taageeray mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Cosoble.

Mooshinka ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa goor dhow lagu wadaa in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka, waxaana wararka qaar ay sheegayana inay saxiixeen illaa lixdameeyo Xildhibaan.

Guuxa maalmahan ka soo baxayay Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa ahaa mid ay ku dalbanayeen inuu dhaco is bedel, isla markaana Hirshabeelle ay xilligan uu u baahan yahay badbaado, waxaana Madaxweynaha ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan uu waqtigiisa ugu badana ku qaatay magaalada Muqdisho

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook