Xiliga lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah ee doorashada Kenya oo la shaaciyey

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya Wafula Chebukati ayaa sheegay in ugu dambayn maanta lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambaysta ah ee doorashada madaxweynenimada Kenya.

Wafula wuxuu intaas ku daray in weerarka lagu qaaday habka doorashada Kenya uu ahaa mid fashilmay.
“Weerarku waa jiray, laakiinse ma guulaysan,” ayuu yiri Chebukati oo weriyayaasha kula hadlaya magaalada Niarobi.

Chebukati ma sheegin cidda ka danbaysay weerarkaas iyo waliba haddii ay jiraan baaritaano arrintaas ku aadan oo ay wadaan.

Shalay ayaa hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga waxaa uu qaadacay qaabka ay u socoto tirinta codadka, isaga oo sheegay in la jabsaday habka doorashada ee ay adeegsanayaan guddiga doorashooyinku.

Doorashadii Kenya ka dhacday Arbacadii ayaa codadka ilaa hadda la tiriyay waxaa ku horreeya Uhuru Kenyatta.

Shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu helay codadka ugu badan, iyagoo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya.

Taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa isugu soo baxay waddooyinka xaafad ka mid ah Kisumu ee galbeeedka Kenya oo ah meel uu mucaaradka ku xooggan yahay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook