Arsene Wenger Oo Ka Faa’iideysan Doono Jadwalka Mashquulka Badan Ee Kooxaha Premier League

Arsene Wenger ayaa wacad ku maray inuu ka faa’iideysan doono jadwalka mashquulka badan ee xili ciyaareedkaan.

Ka dib kulankii ay 2-0 kaga badiyeen West Bromwich Albion, tababaraha Gunners ayaa sagaal isbedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii Europa League ee BATE Borisov.

Arsenal ayaa 4-2 ku garaacday BATE Borisov habeenka khamiista, waxaa beri oo axad ah ay Premier League la ciyaarayaan kooxda Brighton & Hove Albion.

Wenger ayaa xaqiijiyay inuu kusoo laaban doono shaxdiisa rasmiga ah marka kooxdiisa Premier League ay kula ciyaareyso Brighton.

Markii la weydiiyay hadii Jack Wilshere iyo Theo Walcott ciyaari karaan kulanka Seagulls, Wenger ayaa u sheegay Sky Sports News in ay diyaar u yihiin labada xiddig kulankaan.

“Isbedeladaan waa muhiim, waxay siineysaa nasiino ciyaartoy muhiimka ah ee kooxda ayuu yiri Wenger.

“Waa arrin wanaagsan in aan isticmaalno 20 ciyaaryahan oo kala duwan, taasoo faa’iido u ah kooxdeena ayuu hadalkiisa ku daray Arsene Wenger.

Alexis Sanchez, Alexandre Lacazette, Laurent Koscielny, Aaron Ramsey iyo Granit Xhaka ayaa dhamaantood kusoo laaban doona shaxda koowaad ee Arsenal ka dib markii la nasasiiyay safarkii todobaadkii hore ee Belarus.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook