Cabdi Maxamuud Cumar waxaan soobad baadinay 300 oo somali ah+COD

Madaxweynaha dowlad degaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Dowlad Degaanka ay soo bad baadiyeen 300 oo Qof oo Soomaali ah kuwaas oo gacanta ugu jiray Oromada islamarkaana ay doonayeen in ay dilaan.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa uu ka hadlayay Magaalada Jigjiga Madal lagu aasayay 43 Soomaali ah oo todobaadkii hore Oromada ku dileen degaanka Hawadaay ee dalka Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Maamulka Soomaalida iyo kuwa Federaalka ay u tageen degaan lagu hayay 300 Soomaali ah oo Ciidamada Oromada ay ku heysteen degaan u dhow degaanka Hawadaay.

Aas ayaa shalay loo sameeyay 43 Soomaali ah oo ay Oromada ku dileen degaankaas,waxaana aaskooda ka qeybgalay Madaxda Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida iyo mas’uuliyiin ka socday Dowladda dhexe ee Itoobiya.

Falal aargoosi ah ayaa laga soo wariyay meelo ka mid ah Maamulka Somaliland iyada oo sidoo kale uu istaagay ganacsigii ka dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook