Deganka Bacaadweyne oo la Xaliyay Caqabado ka Hortagna in la Gaarsiiyo Gurmad Bani-adanimo +Sawirro

Kadib markii caqabado ka jiray mudooyinkii u danbeeyay deegaanka Bacaadweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan kuwa gobalka mudug ay sababeen in muddo ka badan 9 biood ay suurta gal noqan waayeen in gurmadyada samafalka la gaarsiiyo kumanaan qoys oo ku dhibaateeysan deegaanadaasi isla markaana ka mida qoysaska soomaaliyeed ee ay waxyeeladu kasoo gaartay abaraha iyo biyo la aanta ka jira Gobalka mudug ayaa waxaa maanta qaar ka mida masuuliyiinta waxgaradka iyo culuma udiinka deegaanadaasi oo ku teedsan dhul qiyaas ahaan gaaraya 160km waxa ay sheegeen in xal laga gaaray caqabadihii keenay in muddo ku dhawaad hal sano ah aysan deegaanadaasi helin wax gurmad samafal ah haatana ay ugu baaqayaan in gurmad dag dag ah lala soo gaaro bulshada ku nool deegaanadaasi kuwaasi oo ay sheegeen in ay heysato dhibaatooyin la xariira dhanka nolasha maadaama aysan helin muddo 9 bilood ah wax gurmad ah iyadoo nolashooduna ay saameeyn kuyeesheen abaaraha ka jira halkaasi

Gudoomiyaha Deegaanka Bacaadweyne Axmed Daahir Macalin ayaa ugu horeyn kulanka ka hadlay waxaana uu sheegay in ay ku guleeysteen sidii loo dhameyn lahaa arimo ka jiray deegaanka Bacaadweyne iyo degaano kale oo ka tirsan Gobalka Mudug taasoo uu tilmaamay in ay keentay in kumanaan qoys oo ku nool degaanadaasi ay soo wajahdo dhibaatooyin nolaleed waxaana Gudoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee ka socday deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan ay si isku mid ah ugu baaqeen hay addaha Gar gaarka Dowlad Gobaledka iyo dowlada fadaraalkuba in loo soo gurmado

Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo laga deyrinayo xaalada kumanaan qoys oo ku nool deegaanada Bacaadweyne Kala Bayr iyo kuwa kale oo ka mida deegaanada Dhaca dhinaca Bariga Gobalka Mudug.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook