DHAGEYSO- Qorshaha Koowaad ee Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Awaare ayaa ka hadlay waxqabadkiisa ugu horreeya ee ku aadan dhibaatooyinka ka jira degaanada maamulka Hirshabeelle.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in uu waxbadan ka qaban doono wadooyinka xiran ee ku yaalla degaanada maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo furi lahaa wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baledweyne.

Dadka kunool Degaanada maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in wadadaasi ay ku qabaan dhibaato, Waxaana uu sheegay furista wadadaasi in uu kala kaashan doono dowladda Dhexe iyo ciidamada AMISOM.

Maxamed Cabdi Awaare ayaa dhibaatada ugu badan kala kulmaya qancinta waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo hadda qaarkood aan ku qanacsaneyn maamulka Hirshabeelle.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook