Dil Argagax leh oo maanta ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ka dhacay dil argagax leh , kadib markii labo nin oo walaalo ah muran soo kala dhax galay uu sababay in mid kamid ah la dilo.

Goobjooge ku sugan degmada Dharkeenley ayaa warbaahinta u sheegay in labo nin oo walaalo ah ay ku murmeen dhaxal la sheegay in uu ka dhaxeeyay, waxaana muran arintaasi ka dhashay sababay gacan ka hadal.

Bashiir Caliyow Cabdulle oo 23 jir ahaa ayaa la sheegay in uu dilay walaalkiis ka weyn Cali Caliyo Cabdulle oo 25 Jir ahaa , waxaana dilka uu u adeegsaday gacan ku dhiiglaha midi af badan.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana baxsaday ninka ka dambeeyay dil uu walaalkiis u geestay, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn looga argagay.

Dilalka ku saleysan muranka ka dhasha dhaxalka ayaa mararka qaarkood soo kala dhax gala dadka walaalaha , waxaana dilal kuwan oo kala ah ay horey uga dhaceyn qeybi kamid ah Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook